Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlaayay amniga Magaalada oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha Ciidamada dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta wadashaqeynta laamaha amniga Magaalada Gaalkacyo iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlgalada lagu xaqiijinayo ammaanka.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa iska xog-wareystay howlgaladii ugu dambeeyay ee laga fuliyay gudaha Magaalada, waxaana Saraakiisha ay sheegeen in la iska kaashado ka hortego weerarka ay geystaan Al-shabaab.
Halkaan ka Daawo Muuqaalka kulanka iyo Warbixinta
