WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare iyo Cabdi Xaashi oo heshiis Is-afgarad ah gaaray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka ayaa waxaa uu inta uu socday looga hadlay arrimaha cakiran ee ka taagan Doorashada xubnaha Somaliland, iyadoo la filayo in Guddoomiye Cabdi Xaashi shir jaraa’id qabto kulanka kaddib.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska warfaafinta Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac dhexmaray uu kusoo dhammaaday Is-afgarad ku aadan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Dhinaca kale War-saxaafadeed ay soo saareen xubnaha guddiga matalayay garabka Cabdi Xaashi ee la kulmay Guddiga ka socda garabka Mahdi Guuleed ayaa waxay ku eedeeyeen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka inuu diidan yahay hab qeybsiga dhismaha Guddiga jiheynta doorashada.

SOMALI NEWS

To Top