Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo galay maalintiisii labaad.
Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka.
Shirka oo ka qeyb galeen Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku soo dhamaaday rajo iyo iyo yididiilo wanaagsan.
Halkaan ka Daawo Muuqaalka
