WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Lafta-gareen oo kulan la qaatay Musharaxiinta Mucaaradka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan la qaatay xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Kulanka dhexmaray Musharaxiinta iyo Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa waxaa looga hadlay xal u helida arrimaha doorashooyinka iyo sidii Musharaxiinta u taageri lahaayeen Shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Musharaxiinta ayuu Agaasimaha Madaxtooyada tilmaamay inuu ujeedkiisa ahaa sidii loo taageeri lahaa Shirka looga hadlayo doorashada ee shalay ka furmay Muqdisho.

Halkaan riix si aad u Daawato Muuqaalka iyo Warbixinta.

SOMALI NEWS

To Top