WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Xukuumadda oo War kasoo saartay Shirka Madaxda ee Afisyooni

Shirkii Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ka furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa maalintii koowaad soo gaba-gaboobay.

Shirka Wadatashiga furmay ayaa waxaa looga hadlay sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka September iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo heshiis aan laga gaarin.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Maxamed Ibraahim Macalimuu oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Shirka maalintiisii koowaad kusoo gaba-gaboobay Jawi is-faham ah, isla markaana Madaxda si wanaagsan u doodeen.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Afhayeen Macalimuu.

SOMALI NEWS

To Top