WARARKA SOOMAALI

Beesha Caalamka oo farriin Deg-deg u dirtay Madaxda ku shireysa Muqdisho

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya, in ay sameeyaan tanaasul wax-ku-ool ah, si heshiis dhakhso leh looga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Saaxiibada Beesha Caalamka, ayay ku boorriyeen dhinacyada, in ay si degdeg ah u qaban-qaabiyaan doorashooyin ku salaysa heshiiskii 17-kii September 2020.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale bogaadiyay shirka arrimaha doorashooyinka ee la filayo in uu maanta ka furmo Muqdisho, waxaana ay ku tilmaameen fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin.

War-saxaafadeedka waxa ku midaysan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

SOMALI NEWS

To Top