Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad Goboleedka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, ayaa saaka oo Khamiis ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Qoyskiisa.
Marxuum Cabdisamad Cali Shire, oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa Hargeysa, ayaa markii dambe loo qaaday dhinaca Muqdisho, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday.
Marxuumka ayaa xilal kala duwan Puntland ka soo qabtay, isagoo soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland dowladdii Cabdiraxmaan Faroole ( 8 January 2009- 8 January 2014).
Madaxweynahq Maamulka Puntland ayaa la filayaa in daqiiqado kadib uu ka tacsiyeeyo geerida ku timid Allaha u naxariistee Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland.
