WARARKA SOOMAALI

MW Farmaajo oo ku wajahan dalka Uganda iyo Xog laga helay safarkiisa

Dowladda Uganda waxay bilowday inay xaqiijiso Madaxda ka qeyb geli doonta Caleema-saarka Madaxweyne Museveni oo bishan 12-da k dhici doonta Caasimadda dalkaasi ee Kampala.

Afhayeenadda Madaxtooyada Uganda, Lindah Nabsayi oo la hadashay Warbaahinta chimpreports.com ayaa sheegtay in Madaxda Dowladaha iyo Ergooyinka ku soo fool leh Kampala maalinta Talaadada (May 13th ) ka mid yihiin Madaxweynayaasha Somalia, Gini iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Gabon.

Lindah Nabsayi waxay kaloo tilmaamtay inay Madaxweynayaasha dalalka Mosombique, Burundi, Gabon, South Sudan xaqiijiyeen Ka-qeybgalkooda Munaasbadda Caleema-saarka ee Madaxweynaha Uganda oo markii 6-aad ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimada ee bilowgii sanadkan ka dhacday Uganda.

Dhinaca kale, Wasiirka Madaxtooyada ee dalka Uganda,Esther Mbayo waxay sheegtay in 21 Madax Dowladeed oo ka kala socda dalalka Afrika iyo qeybaha kale ee Caalamka ay xaqiijiyeen inay ka qeyb geli doonaan Munaasabadda caleema-saarka ee Madaxweyne Museveni

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo ay uga hadleyso safarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu ambabaxayo Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda

SOMALI NEWS

To Top