Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan aya sheegaya in waaberigii hore ee saakay uu ka qarxay duleedka Galbeed ee Magaalada Beledweyne Xarunta Gobolka Hiiraan dagaal u dhexeeya beelo halkaas wada dega.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo dagaalka uu ku soo fidey xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne.
Dagaalka ayaa salka ku haya muran ka dhashay dhul ay isku qabsadeen labadaan maleeshiyo beeleed, ee dagaalku dhex maray, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystey in ciidamo Milatari ah ayaa geeyaan halka dagaalku uu ka bilowday oo lagu magacaabo Beledunuur iyadoo ay ciidamadu kala dhex galeen maleeshiyaadka dagaalamayay, waxaana joogsaday dagaalka.