WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweyaha K/Galbeed oo farriin u diray Hay’addaha Garsoorka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Aqalka Madaxtooyadda kulan kula qaatay Hay’addaha kala duwan ee Garsoorka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa waxaa warbixin guud looga dhagaystay sida ay ugu shaqeeyaan bulshada reer koonfur galbeed, waxaa shirka qeyb ka ahaa gudoomiyaha maxkamadda sare koonfur galbeed Dr Axmed Cali Muuse iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda cadaaladda Cabduwahaab Cabduulahi iyo dhamaan Hay’addaha Garsoorka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Hay”addaha Garsoorka kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii bulshada reer koonfur galbeed loogu cadaalad fali lahaa ayna cadaalad dhab u helaan taas oo ay sababeyso in bulshada ay ku dhiiradaan garsooorka.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka iyo faah faahinta Shirka

SOMALI NEWS

To Top