WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maamulka G/Banaadir oo War kasoo saaray amniga Muqdisho xili…

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in saacadihii u dambeeyay dad uu ku sifeeyay in a y colaadda ku naaxaan ay ku baaqayeen in dhibaato laga huriyo Muqdisho.

Waxaa uu xusay in wax colaad ama amni daro ah aysan ka jirin Muqdisho, isla markaana ciidamada ammaanka ay heegan ugu jiraan habeen iyo maalin xaqiijinta nabad geliyadda shacabka ku nool gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cali Yare, ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo u caqli celiyay dhalinyaro sida uu sheegay loo abaabulay hurin colaadeed oo siyaasiyiin danley ahi gedaal ka taagan yihiin.

Halkaan riix si aad u Daawato Muuqaalka Cali Yare.

SOMALI NEWS

To Top