WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo muddo kordhin u sameeyay MW Farmaajo

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka afederaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ayaa u codeeyay meel marinta mooshin ay Xildhibaano ka tirsan golaha ka gudbiyeen Doorashada dalka.

Kulanka Golaha shacabka waxaa soo xaadiray 143 Xildhibaan, waxaana Xildhibaanada  kahor inta aysan codka u qaadin loo qeybiyay qoraalka Sharciga gaarka ah ee jiheyta Doorashada hee federaal kaa oo ay ka doodeen.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaana gabo gabada kulanka Xildhibaanada ugu baaqay in ay u codeeyaan meel marinta mooshinka maanta la horgeeyay ee ahaa Jiheynta sharciga doorashada dalka.

Waxaana mooshinka u codeeyay oo ogolaatay 143 Xildhibaan halka ay diideen 3 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan kaliya, waxaana Gudoomiyaha golaha shacabka sheegay in  mooshinkaasi uu meel maray.

Sharcigan ay ogolaadeen Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa qodob kamid ah dhigayaa in la qaato nidaamka doorashada tooska ah ay qabanayaan guddiga doorashasa Qaranka taa oo lagu qabanayo mudo labo sano ah.

SOMALI NEWS

To Top