WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amar siiyay Laamaha amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay Taliyeyaasha Ciidamada dowladda Federaalka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xoogga ka fuliyeen Gobolada dalka, xoojinta amniga Caasimadda iyo u diyaar garooga dhinaca amniga inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramaadan.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in kulanka inta uu socday Ra’iisul Wasaare Rooble uu warbixino kala duwan oo xiriiray amniga uga dhageystay Saraakiisha Ciidanka ee uu la kulmay.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Afhayeen Macalimow.

SOMALI NEWS

To Top