Waxaa Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ka biloowday shirka aan rasmiga aheyn ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirka oo Sabtidii todobaadkaan ka bilaawday Teendhada Afisiyooni ayaa hakad ku jiray labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyada oo madaxda ay ka doodeen arrimo dhowr.
Kulanka Maanta oo rajo badan laga muujinayo ayaa Madaxda waxaa ay uga hadlayaan Ajandaha Shirweynaha wadatashiga doorashooyinka ee dhawaan furmaya iyo cidda ka qeyb galeysa Shirkaas.
Wararka soo baxayay ayaa sheegayay in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay dalbadeen in shirka ay goobjoog ka noqdaan Xubnaha Midowga Musharixiinta & Guddoomiyaha Aqalka Sare , balse dhinaca Villa Soomaaliya ay ku adkaatay.