Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa shaaciyay in si wanaagsan uu u socdo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ka socda Teendhada Afisyooni.
Afhayeen Macalimuu ayaa sheegay in Shirka u socda Madaxda uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uuna shirka hordhac u yahay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka.
Afhayeenka Xukuumadda ayaa tilmaamay in Shirkaan lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo hirgalinta hishiikii 17 Sep iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo.
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Shirka aysan ka qeyb galeynin Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo kaliya yahay mid u dhexeeya Madaxda Soomaalida.