Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay inay shir isugu yimaadan Madaxda maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaan lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
halkan ka daawo
Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo doorasho xor iyo xalaal ah.