Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo ambabaxay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Axmed Madoobe iyo wafdigiisa uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Xildhibaano, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana loo galbiyayb dhinaca xeyndaabka Xerada Xalane.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka qeyb geli doona shirka Madaxda dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo lagu saxiixayo heshiiska shirkii Guddiga Farsamada ku gaareen Magaalada Baydhabo.
Madaxda dowlad Goboleedyada kale ayaa la filayaa inay dhammaantood soo gaaran Caasimadda dalka, si ay uga qeyb galka shirka lagu xalinayo khilaafk ka taagan doorashada dalka ka dhaceysa.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saddex jeer oo horey ku baaqay shirka lagu saxiixayo heshiiskii Baydhabo, hayeeshee Puntand iyo Jubbaland ayaa ka baaqdsaday ka qeyb galka shirka.
Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoogan ku saartay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni imaanshaha Muqdisho iyo ka qeyb galka shirka, xili ay shuruudo ku xireen, balse cadaadis uga yimid dhinca Beesha Caalamka ayey arrintaas ku aqbaleen.