WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Roobl iyo Midowga Musharaxiinta oo kulan uga socda Muqdisho

Hotelka Decale oo ku yaal garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu shir uga furmay Ra’iisul Wasaare Rooble, Midowga Musharaxiinta, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka oo ah mid la wada sugaayay ayaa waxaa Maanta qeyb ka ah Ra’iisul Wasaarhii hore ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo ka cudur daartay in uu ka qeyb-galo shirkii hore iyo Xubno kale.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa sheegay in shirka looga hadlayo  sidii loo sii dhameystiri lahaa heshiiskii 25kii Febraayo, isla markaana Xukuumadday ay dadaal dheeri ah ku bixinayso sidii ay ula fariisan laheyd cid walba oo ka aragti duwan si dalka uu doorasho u galo.

Wararka la helay ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka looga hadli doono kaalinta ay Midowga Musharixiinta ku yeelan  doonaan wada-hadallada al xiriira arrimaha doorashooyinka ee ku saabsan dhameystirka & dhaqangelinta heshiiskii 17-kii September.

Sidoo kale xogaha la helay ayaa sheegaya in kulanka lagu sameyn doono laba Guddi oo labada dhinac ka kala socda, kuwaas oo kala ah gudiga xaqiiqo raadinta dhacdadii 19-kii Febaraayo iyo Guddiga qorsheynaya dibadbaxa ay ku dhawaaqeen Midowga Musharixiinta.

SOMALI NEWS

To Top