Xildhibaano ku dhow 100 xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaaday ayaa Maanta kulan ku yeeshay Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashada dhaceysa iyo marxalada kala guurka ah ee dalka, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo.
Kulanka kadib Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa faah faahin ka bixiyay War-murtiyeed kasoo baxay kulankoodii ay yeesheen Xildhibaanada oo ku aadan xaaladda dalka.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa waxaa uu shaaciyay in Xildhibaanadii Maanta kulanka yeeshay ay ku dhawaaqeen kutlada badbaadinta Qaranka, si dalka looga badbaadiyo inuu ka dhaco firaaq Dastuuri ah, waxaana Midowgooda uu ka kooban yahay 11-xubnood.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa Xildhibaan Mahad sheegay inuu ku fashilmay inuu dalka ka qabto doorasho, sidoo kalena uu la heshiin waayay Madaxda dowlad Goboleedyada.
Waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in Madaxda dowladda sameeyaan muddo kororsi, wuxuuna caddeeyay in Xukuumadda xil gaarsiinta ay haatan shaqadooda tahay mid iska caadi ah, hayeeshee arrimo dastuurki ah aysan qaban karin.
Ugu dambeyn Xildhibaan Mahad Salaad ayaa Cambaareeyay Ciidamo uu sheegay in shalay la geeyay xarunta Xildhibaanada Golaha Shacabka, wuxuuna ka digay in Ciidankaas mar kale la keeno Xarunta Golaha.