WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-RW Rooble oo Goor dhow hortegaya Xildhibaanada Barlamaanka

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa Goordhow waxaa ka furmi doona kulan gaar ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaaday.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhinta 3-aad ee wax kabadelka sharciga waxbarashada heerka 1aad, 2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Warbixin ku aadan wax qabadka 100 maalmood ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa daqiiqado kadib  hortegi doona Xildhibaanada Golaha Shacabka, si uu ugu jeedo khudbad uu uga hadli doono waxqabadka 100 maalmood ee Xukuumadda iyo xaaladda guud ee dalka.

Inta badan xubnaha Golaha Wasiirada ayaa ku sugan Xarunta Villa Hargeysa iyo ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble, xili maalmo kahor la shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha uu 9-ka bishaan Febraayo oo berri hortegayo Xildhibaanada, balse lasoo hormariyey.

Si kastaba kulankan Maanta ee Xildhibaanada ayaa kusoo aadaya, iyadoo xalay uu dhammaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoona la doortay maanta oo kale 8-dii beshii Febraayo ee sanadkii 2017.

SOMALI NEWS

To Top