WARARKA SOOMAALI

Kenya oo War lama filaan kasoo saartay Warbixintii Guddiga IGAD, xili…

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Warbixintii uu soo saaray Guddigii xaqiiq raadinta ee Urur Goboleedka IGAD u xil saaray Dacwadii dowladda Federaalka Soomaaliya ka gudbisay dowladda Kenya, kadib markii xiriirka loo jaray.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenay ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Warbixinta ay soo saareen Guddiga, iyagoona sheegay in Guddiga ay u gudbiyeen cadeymo kala duwan oo la xiriira arrinta xuduudka labada dal.

Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay in xubno ka tirsan Guddiga ee loo saaray xiisada xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ay geeyeen Magaalada Mandheera, isla markaana Warbixinta Guddiga ay caddeysay  in eeda dowladda Federaalka gudbisay aysan waxba ka jirin.

Waxaa kaloo Kenya ay tilmaamtay in xiriirka diblomaasiyadeed ee dowladda Federaalka u jirtay uu abuuray saameyn xun, iyaoona xusay in ay soo dhaweynayan Warbixinta lasoo saaray.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goorsii horeysay oo Maanta ka hortimid Warbixintii Guddiga IGAD uu soo saaray, isla markaana dowladda sheegtay in Guddiga uusan dhex-dhexaad ka noqon arrinta labada dal, uuna Guddiga la saftay Kenya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Dubbe ayaa tilmaamay in Guddiga warbixinta uu soo saaray ay tahay mid layaab leh oo aanan  la aqbali karin, isagoona Jabuuti ku eedeeyay inay xiligaan la safatay Kenya.

SOMALI NEWS

To Top