Qaramada Midoobey ayaa Mr. Nicholas Haysom oo mar soo noqday Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u magacowday Wakiilkooda Gaarka ah ee Suudaanta Koonfureed.
Mr. Nicholas Haysom oo soo noqday wakiilka QM u qaabilsal arrimaha Soomaaliya ayaa muddo kooban ka shaqeynayay gudaha Soomaaliya,iyada oo dowladda Soomaaliya ay dawac ka gudbisay.
Bilowgii 2019 ayaa dowladda Soomaaliya dalka ka cayrisay, Mr. Nicholas Haysom, xilligaasi oo ay ku eedaysay faragelin arrimaha-gudaha ah.
Nicholas Haysom ayaa hadda wixii ka dambeeya waxaa uu ka howlgeli doonaa dalka Suudaanta Koonfureed oo kamid dalalka Afrika oo muddo badan ay dagaalo ka dhacayeen