WARARKA SOOMAALI

Howlgalkii ugu cuslaa oo ka socda gobolka J/hoose iyo Alshabaab oo….

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa howlgallo wadajir ah waxa ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Howlgalkaan oo si wadajir ah ay u fulinayaan cidiamada dowladda fedralka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa si gaar ah waxa ay uga socdaan deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose gaar ahaanna degmada Jamaame,halkaas oo deegaanada hoostaga aya ku xooganyihiin Alshabaab.

Taliyaha ururka 56aa guutada 11aad qaybta 43aad ee xoogga dalka oo howlgalkaan markii uu soo gaba gaboobay lahadlay warbaahinta ayaa Waxa uu sheegay in 9 howlgal ay sameeyeen ayna kusoo qabteen xubno katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada mamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda fedraalka ayaa howlgallo joogta ah waxa ay ka wadaan deegaano ka tirsan Jubbada hoose oo ay ku xooganyihiin Alshabaab,in kasta oo ilaa iyo hadda aysan jirin deegaan ay la wareegeen intii ay ku jireen howlgalkii ugu dambeeyya.

SOMALI NEWS

To Top