WARARKA SOOMAALI

Mid kamid ah Dowladdaha Yurub oo Safiir cusub u soo magacaawday Somalia

Dowladda Ingiriiska ayaa Kate Foster u magacowday safiirkeeda cusub ee Soomaaliya, waxaana ay noqonaysa Safiirka UK ee fadhiya dalka Soomaaliya.

Kate oo heysata abaalmarinta sare ee UK ee lagu magacaabo OBE, ayaa waxaa ay in muddo ah ka soo shaqaynaysay qeybo kala duwan oo kamid ah Xukuumadda UK, gaar ahaan waaxda horumarinta caalamiga ah.

Kate Foster, ayaa xilka la wareegi doonta oo shaqeeda si rasmi ah u bilaabeysa bisha febaraayo ee soo socota, waxaana ay beddalaysa Mr Ben Fender oo illaa 30-ka bishii janaayo ee sanadkii 2019-ka ahaa Safiirka UK ee Soomaaliya.

Safiirkii hore ee dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee Ben Fender  ayaa intii uu ku sugnaa gudaha ayaa waxaa uu qabtay shaqooyin badan, isla markaana uu ka qeyb qaatay dadaalo lagu hormarinayey Ciidanka Qalabka sida iyo dowladda Somalia.

SOMALI NEWS

To Top