WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Jabuuti oo markii afaraad shaaciyay inuu Musharax yahay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo mudo dheer xukunka soo joogay ayaa ku dhawaaqay inuu mar kale u tartami doono xilka madaxweynaha dalka Jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geella ayaa go’aankan cusub ku shaaciyey wareysi uu bixiyey shalay, waxayna taasi hadal heyn badan ku abuutay dadka reer Jabuuti.

9-kii bishii Abriil ee sanadkii1999-kii ayaa Ismaaciil Cumar Geelle loo doortay madaxweynaha dalka Jabuuti, waxuuna haatan dalkaas si toos ah uga arriminayaa in ka badan 20-sano.

Afar jeer oo hore ayuu u tartamay xilkaan, isla markaana uu ku guuleystay, waxuuna hadda doonayaa inuu u tartamo markii shanaad, taas oo dad badan oo reer Jabuuti ah ay aad uga wal-walayaan, waxayna qabaan in aysan jirin cid raja ka qabta Ismaaciil inay doorasho xor ah la gasho.

Doorashooyinkii horay uga dhacay dalkaas ee Ismaaciil Cumar Geelle uu ku soo baxay waxaa codeynayey shacabka, balse mucaaradka ayaa ku andacooday dhowr doorasho in lagu shubtay.

Doorashada dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha Abriil ee sanadka soo socda ee 2021-ka.

SOMALI NEWS

To Top