Dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa Maanta hadal haya diyaarado ay sheegeen in ay ku duulayeen joos hoose oo lagu arkay hawada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Diyaaradahaa ayaa la sheegay in ay haayeen Laba diyaaradood, isla markaana ay soo dulmareen Magaalada cabsi iyo wel-wel badana ku abuuray dadka ku nool halkaas, sida aan wararka ku helnay.
Sidoo kale diyaaradahaas ayaa la tilmaamay inay ilaalo ka hayaan diyaarad weyn oo Milateri, taas oo la rumeysan yahay in ay waday Askar iyo xamuul ciidan oo laga qaaday goobo kamid ah Soomaaliya.
Askarta iyo saanada Milateri ee wado diyaarada ayaa wararku waxaa ay sheegayaan inay ku wajahan yihiin Saldhigyada La-dagaalanka waxa lppgu yeero Argagixisada ee Barriga Afrika.
Mareykanka ayaa ku jira daabulida 700 Askari oo ka joogay gudaha dalka Soomaaliya, meelaha laga qaaday Ciidamada ayaa waxaa kamid ah Puntland, gaar ahaana Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.