WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Guddiga Doorashada Qaranka oo kulan la qaatay Francisco Madeira

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee lagu muaran yahay  ayaa kulan gaar ah Magaalada Muqdisho kula qaatay Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madeira.

Kulanka oo sigaar ah u dhexmaray Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Maxamed Xasan Cirro iyo Francisco Madeira ayaa waxaa looga hadlay howlaha sugida amniga doorashada dalka ka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

Guddoomiye Maxamed Cirro ayaa ayaa Wakiilka gaarka ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ka dalbaday inuu wadashaqeyn buuxda la yeesho Guddiga doorashooyinka, si la isaga kaashado howlaha sugida amniga doorashada.

Francisco Madeira ayaa Guddoomiyaha doorashooyinka heer Federaal oo ay magacaawday Xukuumadda uga mahadceliyay dadaalka uu wado ee ku aadan howlaha doorashada, xili weli uu muran ka taagan yahay Guddigaas.

Guddiga doorashada ayaa horey kulan ula qaatay Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo ku-xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, iyagoona kala hadlayn arrimaha doorashada dalka.

Musharaxiinta Madaxweynaha SOomaaliya ayaa siweyn uga soo horjeeda Guddiyada la magacaabay, waxaana sidoo kalena diidan maamulada Puntland iyo Jubbaland oo shuruudo ku xiray magacaabista Guddiyada laga sugayo ee ugu metelaya doorashada.

SOMALI NEWS

To Top