Saacadihii lasoo dhaafay dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa fal isugu jiray Dil iyo dhaawac loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka halkaas ku leh goobaha Ganacsiga.
Rag hubeysan oo burcad ah ayaa weerar loo adeegsaday Bastoolad ku qaaday Muwaadin ku sugaa goob Ganacsi oo ku taalla Magalada Durban ee gobolka Kwazulu Natal ee Koonfur Afrika, iyagoona rasaas ku dhuftay uu u dhintay.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cilmi Maxamed Dhagoole, wuxuuna kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee kunoolaa Koonfur Afrika ee ka shaqeyn jiray goob Ganacsi.
Sidoo kale ragii hubeysnaa ee burcada ahaa ayaa horey fal dhaawac ah ugu geystay laba muwaadin kale oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo si Degdeg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, waxaana gurmad u sameeyay Soomaali kale.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh Goobaha ganacsi ah, isla markaana ma jirto cid wax ka qabata dalalkaas, waxaana inta badan la sheegaa inay baaritaano sameeyan Ciidanka Booliska dalkaas.