WARARKA SOOMAALI

Qorshe lagu soo qaban rabay Ciidamo ku dagaalamay Muqdisho oo fashilmay

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka sameeyay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir, kadib markii halkaas shalay uu ka dhacay dagaal xoogan oo saacado socday.

Ciidamada oo isugu jiray Nabadsugid, Booliska Haramcad iyo kuwa Milateri ah ayaa qorsheynayay inay weeraraan Saraakiil iyo Ciidamo hubeysan oo ka tirsan dowladda oo dagaalamay, si loo soo xiro, hubkana looga dhigo.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Ciidankii ku dagaalamay Kaaraan ee la doonayay in lasoo qabto ay isku dhinac noqdeen, kadib markii ay war heleen in Ciidamo kusoo socdaan, iyagoona u baxsaday dhanka duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho.

Ciidankii dowladda oo xalay hareereeyay xaafadaha Kaaraan iyo Cabdcaiis ee Gobolka Banaadir ayaa dib isaga laabtay, markii ay u suura geli weyday isku daygii la doonayay in lagu soo xiro Saraakiishii iyo ciidamadii dagaalamay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii shalay Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda ku dhexmaray Muqdisho, waxaana halkaas ku geeriyooday 10 ruux, halka tirro kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Ciidamada dagaalamay oo u abaabulnaa hab beeleed ayaa waxaa kala hoggaaminayay saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda, waxaana dagaalkaas uu ka dhashay muran la xiriira dhul ku yaalla Kawaan Barri ee degmada Kaaraan.

SOMALI NEWS

To Top