Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada Cadaado uga qeyb galay casho Sharaf loo sameeyay oo uu ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Dowladda Federaalka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maamulka iyo shacabka Galmudug guud ahaan, gaar ahaanna reer Cadaado uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo casho sharafta, isagoo ballan qaaday in xukuumaddu wax ka qabaneyso codsiyada reer Cadaado ee ku aaddan dhinacyada horumarinta.
Ra’iisul Wasaare Maxamed xuseen Rooble ayaa casho sharafta ka dib kulammo la yeeshay dhallinyaro iyo waxgarad ka socday Gallinsoor oo u yimid soo dhaweyntiisa iyo wakiillo ka socday ururrada haweenka.
Rooble ayaa ku boorriyay odayaasha dhaqanka iyo madaxda dowlad Goboleedka Galmudug in ay dardar galiyaan dadaallada lagu xallinayo tabashooyinka iyo xurgufaha ka jira deegaannada qaarkood, si loo xaqiijiyo maamul horumarsan,nabdoon oo ka tarjumaya Galmudug oo mideysan.
“Waxa uu dhammaantood uga mahadceliyay soo dhaweynta, waxa uuna kula dardaarmay inay joogteeyaan kaalintooda dhismaha dowladnimada iyo nabadda Galmudug” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay xafiiska RW Rooble.