WARARKA SOOMAALI

Xukuumadda oo ku dhawaaqday War CUSUB, xili muran xoogan uu ka jiro…

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb galay kulan looga hadlay qoondada Haweenka ee Doorashooyinka ayaa ka hadlay arrimo la xiriiro doorashada dalka dhaceysa dhammaadka sandkaan 2020/21.

Mahdi Guuleed Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ayaa ugu baaqay Madaxda maamul Goboleedyada in ay fuliyaan heshiiskii 17-kii November 2020 laga gaaray doorashada dalka, kadib shirkii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Mahdi Guuleed in ay diyaar u yihiin in ay dib u eegis ku sameeyaan Guddiyada doorashada ee xiligaan muranka xoogan uu ka taagan yahay, si loo xaliyo tabashada.

“Axmed Madoobe, walaalkeena waxaa ay Kenya ku cadaadis in uu ka hor yimaado Heshiiskii doorashada, markan Kenya Alamtaro ayeey soo dhaaftay” ayuu yiri Mahdi Guuleed Maxamed Khadar.

Si kastaba Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa horey uga soo horjeestay Guddigaas iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland oo shuruud adeg ku xiray soo magacaabista Guddiyada laga sugayo ee ugu metelaya Guddiyada doorashooyinka ee magacaaban.

SOMALI NEWS

To Top