WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo Maanta ku wajahan Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu maanta booqasho ku tago magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug.

Wafdi hor dhac u ah ra’isul wasaaraha dalka ayaa shalay galinkii dambe gaaray Dhuusamareeb, waxaana RW Rooble iyo wafdigiisa ay ka ambabixi doonaan Magaalada Garaoowe oo ay ku sugan yihiin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug kala hadli doono arrimaha doorashooyinka dalka ee la filayo inay dhacaan dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo xalinta khilaafyada taagan

Ra’iisul Wasaare Rooble oo labadii maalin ee dhaafay ku sugnaa Garoowe ayaa kulamo kusoo dhammaaday natiijo la’aan la qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo looga hadlaayay Doorashada dalka.

Madaxweyne Deni ayaa iska diiday dalab uga yimid Rooble oo ahaa in uu magacaabo Guddiyada doorashada ee Puntland ku metelaya Guddiyada la magacaabay ee heer Federaal iyo heer maamul Goboleed, isagoona shuruud adeg ku xiray arrintaas.

Deni ayaa dalbaday in marka hore la xaliyo arrinta ay isku hayaan dowladda Federaalka iyo Jubbaland  ee ku aadan Gobolka Gedo  iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada lagu muran yahay.

SOMALI NEWS

To Top