WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo diiday Casho uu u sameeyay Madaxweynaha Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa xalay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ka diiday Casho Sharaf uu sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Xaflada Cashada ayaa aheyd mid sagootin ah oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble uu sheegay in uusan dooneyn in uu ka qeyb galo casho sharafta, maadaama fashil kusoo dhamaaday qorshihii uu u tagay Puntland.

Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaana si weyn u hadal haya go’aanka Rooble ku diiday inuu ka qeyb galo xaflada loo sameeyay, waxa ayna inta badan dadka ay dhaliil u jeediyeen Ra’isul Wasaaraha

Inta badan dadkii ka hadlay arintan ayaa ku tilmaamay siyaasad xumo go’aanka uu qaatay Ra’isul Wasaare Rooble, waxa ayna dadka qaar sheegeen in go’aankaasi uu ahaa mid ka yimid Villa Soomaaliya, laguna amray in uusan tegin casho sharafta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta isaga soo tagaya magaalada Garawe isagoona kusii jeeda deegaanada maamulka Galmudug, waxaana guul daro kusoo dhamaaday wadahadalo dhax maray  Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland.

SOMALI NEWS

To Top