WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Puntland o Go’aan Cad kasoo saartay Xildhibaanadii xasaanada laga qaaday

Maxkamadda Sare ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Galabta go’aan rasmi ah ka soo saartay kiiska 8 xubnood ka tirsanaa Baarlamaanka, kuwaas oo xasaanadda laga qaaday 3-dii bishan December.

Warqad ka soo baxday Maxkamadda sare ayaa lagu caddeeyay in ay sharci tahay xilka xayuubintii lagu sameeyay 8-da xildhibaan ee kala ah; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore), Muuse Siciid Xassan (jejebsay), Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo  Maxamuud Axmed Caalin.

Maxkamaddu waxay amar ku bixisay in aysan Baarlamanka dib dambe ugu laaban Karin Xubnaha kor ku xusan, isla markaana si deg deg ah loo diyaariyo beddelkooda, maadaama dhammaantood ay ku caddaatay eedaynta loo jeediyay , sida warqadda ku cad.

Sidoo kale Maxkamaddu waxay amar ku bixisay in xubnaha xilka xayuubinta lagu sameeyay ay magdhow ka bixiyaan Qalab kala duwan oo ay waxyeello gaarsiiyeen, waxaana Go’aankan ku saxiixan dhammaan shanta xubnood ee ay ka koobantahay Maxkamadda sare.

SOMALI NEWS

To Top