Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muddada dhaqan galka dastuurka KMG ee dalka uu la dhammaanayo muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad, xili shaqada Baarlamaanka ay ka harsan yihiin maalmo kooban.
Xasan Sheekh oo kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa Qoraal u diray Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoonka labada Aqal ayaa ku wargeliyay in muddada dhaqan galka dastuurka KMG uu la dhamaanayo muddo xileedka Baarlamaanka.
Musharax Xasan Sheekh ayaa ka digay in dalka Soomaaliya uu dastuur la’aan noqdo, isla markaana waxaa uu baaq u diray Madaxda sare ee dalka, maadaama duruufaha jira aysan suurtagal ahayn in dastuurka afti dadweyne lagu meel-mariyo.
Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda inay qaadaan tallaabooyin lagu xeerinayo oo looga hortagayo in dalku dastuur la’aan noqdo, sidoo kale ula teliyay Baarlamaanka labada Aqal inay isugu yimaadaan shir degdeg ah oo looga arrinsanayo dib u eegista ansixinta dastuurka, oo ay waajibaadkaas ugu gudbiyaan Baarlamaanka 11aad sanadka 2021 iyo afti dadweyne oo loo qabto dastuurka.
“Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in muddada dhaqangalka dastuurka KMG ah ay la dhamaaneyso muddo xileedka baarlamaanka 10aad. Maadaama duruufaha jira owgood aysan suurtagal ahayn in dastuurka afti dadweyne lagu meel mariyo waxaan madaxda ugu baaqay in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu xeerinayo oo looga hortagayo in dalku dastuur la’aan noqdo” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Xasan Sheekh.