WARARKA SOOMAALI

Wasiiro horey iyo Xildhibaano oo qaatay gaadiid dowladeed + Magacyada oo…

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka ayaa warqad uu soo saaray waxaa lagu faray illaa 14 masuul oo ka tirsan dowladda iyo qaar horay xilalkii looga qaaday inay dib u soo celiyaan gaadiid ay dowladdu leedahay oo gacantooda ku maqan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka Maxamed Maxamuud Cali ayaa lagu amray Wasiiradii horey, kuwa xilalka ka haaya Xukuumadda Rooble iyo xubnaha kale inay muddo 10 maalmood kusoo celiyaan gaadiidka dowladda oo ay heystaan.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, isagoo gudanaya waajibaadka shaqo ee ilaalinta Hantida Qaranka ayuu xafiisku tirakoob iyo xaqiijin wajigii labaad ah ku sameeyey hey’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayey soo celinta gaadiidka dowladda. Xafiisku waxa uu ogaaday in gaadiid ku jira gacanta mas’uuliyiinta ay magacyadoodu hoos ku qoranyihiin uu yahay hanta dowladeed oo loo baahanyahay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Hanti dhowraha Qaranka.

Liiska la soo saaray ee Wasiirada gaadiidka ku maqan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda, Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha, Wasiirkii hore Diinta iyo Awqaafta, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Senatar Ayuub Ismaaciil oo gaari ka diiwaan gishan Wasaaradda Maaliyadda ku maqan iyo xubno kale.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka.

SOMALI NEWS

To Top