Warar lagu kasoonaan karo oo aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan inuu fashil kusoo dhamaaday kulamo u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Kulamada oo qaatay saacado badan ayaa markii dambe noqday kuwo la isku fahmi waayay qodobada qaarkood, waxaana inta badan labada dhinac ay ka wada hadleen Doorashada dalka dhaceysa iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ka jira Guddiyada.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa ka dalbaday Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni inuu soo magacaabo xubnaha ku metelaya Guddiyada doorashada ee heer maamul Goboleed, hayeeshee Madaxweynaha ayaa ku gacan sarey dalabkii kaga yimid Rooble.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa u sheegay Deni in muhiim ay tahay in la fuliyo heshiiskii beshii November 2020 Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay ka gaareen doorashada, si dib u dhaca uusan ugu imaan.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in gebi ahaan Madaxweynaha Puntland uu iska diiday dalabyadii ugu yimid dhinaca Maxamed Rooble, taasina markii dambe ay keentay in Ra’iisul Wasaaraha oo isaga baxo Madaxtooyada maamulka Puntland ee Garoowe.
Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in kulamo kale ay yeeshan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kuwaasi oo mar kale looga hadli doono arrimaha Doorashooyinka iyo Guddiyada la magacaabay.
Muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan Doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sandkaan 2020/2021, waxaana Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ay siweyn uga soo horjeedan Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay, iyagoo ku dhawaaqay Guddiga badbaadinta Doorashooyinka Qaranka.