Muqdisho (HM)-Guddoomiyaha aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi, ayaa kasoo horjeestay Guddiga doorashada ee uu xalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuuseen Rooble.
Cabdi Xaashi ayaa sababta ku sheegay in laga tagay xubnihii Guddiga ku mataleyay Somaliland oo isagu horey u magacaabay.
Xiisad ayaa maalmahan ka taagneyd cida midada daabkeeda qabanaysa Xubnaha Baarlamaanka iyo Guddiyada kala duwan ee matelaya Maamulka Soomaliland waxaana ku dagaalamayey Siyaasiyiinta ugu sareeya xubnaha Soomaliland ka jooga Xamar ee xilalka haya.
Horufadhi News