Muqdisho (HM)-Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa si hordhac ah isugu afgartay asteynta kuraasta Golaha Shacabka iyo deegaanada laga soo dooranayo oo ah labo deegaan sida Caasimada Dowlad Goboleedka iyo magaalo kale.
Inkastoo aanu weli soo bixin war murtiyeedka rasmiga ah, lana filayo in saacadaha soo socda uu soo baxo ayaa waxaa la helay xogo ku saabsan sida loo asteeyay kuraasta iyo goobaha lagu soo dooranayo.
Halkan hoose ka eeg Shaxda deegaan doorashada iyo tirada kuraasta sida loogu kala asteeyay:-
Puntland 39 Kursi
1. Garoowe 24 Kursi (Kuraasta Sool, Nugaal iyo Mudug)
2. Boosaaso 15 Kursi (Bari, Qardho iyo Sanaag)
Galmudug 36 Kursi.
1. Dhuusamareeb 24 Kursi
2. Gaalkacyo 12 Kursi
Jubbaland 43 Kursi
1. Kismaayo 27 kursi
2. Gedo (Garbaharey) 16 Kursi.
Hirshabelle 37 Kursi
1 Jowhar 15 Kursi
2. Beledweyne 22 Kursi
Koonfur Galbeed 69 Kursi
1. Baydhabo 44 Kursi
2. Baraawe 25 Kursi
Gobolka Banaadir 51 Kursi
1. Banaadiri 5 kursi
2. Xubnaha Gobolada Waqooyi (Somaliland) 46 Kursi.