WARARKA SOOMAALI

Ciidamo ka yimid Gaalkacyo oo weerar ku qaaday degmo ka tirsan gobolka Sool-Akhriso

Laascaanood  (HM)-Ciidamo ka yimid magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa Saaka  Weerar Qorshaysan kusoo qaaday  Degmada Xidhxidh ee Gobolka Sool Xiliga Saalada Subax .

Waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamadu ay Guri Dad shacab ah Degan yahay Dababka Saareen / Rasaas ku Fureen,  Halkaas Dadkii Deganaa Guriga Waxaa Soo gaadhay Firidhka Rasasta ay Ridayeen Ciidanka Weerarka Qorshaysan soo qaaday.

Intaasi kadib waxaa arinta siwayn looga dareemay Gudaha magaalada , Waxayna Bulshada deegaanku iska difaaceen ciidamadii Weerarka soo qaaday, kuwaasi oo dib uga noqday magaalada Xidhxidh.

 Sida la xaqiijiyey  ma jiraan waxa khaasaare  Nafeed ahoo ka Dhashay Weerarka, Marka laga reebo dhaawacyo Fudud oo soo gaadhay  Dad Hurday Guriga Xabadaha Lagu Riday.

Ciidamada Weerarka ka soo qaaday Gaalkacyo ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Ciidamada Madaxtooyada Puntland kuwaasoo raadinayey Nin asal ahaan Kasoo Jeeda Magaalada Gaalkacyo oo Lagu eedaynayo In Qeyb ka ahaa Dagaal hore uga dhacay Magaalada Gaalkacyo laguna dilay Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada Puntland , Kaasi oo mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Xidhxidh ee Gobolka Sool oo Qaraabo uu ku leeyahay.

Xigasho: Kalshaale.com  

SOMALI NEWS

To Top