Muqdisho ( HM )-Madaxwaynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Kulan lagu soo dhoweynayey oo ay soo Qaban qaabiyeen Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Magaalada Muqdisho
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wuxuu siwayn uga hadlay Arimaha doorashada Soomaaliya Iyo Shirkii ka dhacay dhowaan magaalada Dhuusamareeb. “Hadii Shirkii dhuusamareeb cid soo xidhay ay jirto, anaga waa noo furan tahay, waxay ahayd in nala sugo”.
“Doorashadu waa inay ku dhacdo Wakhtigeeda, oo ay Noqoto mid la isla ogol yahay, Dadka Masuuliyaddu saaran tahay waa in dareenka Bulshada Soomaaliyeed tixgeliyaan” Ayuu yidhi deni.
“Dadka Xilka ka haya Kuma Ceebaysna inay mar kale xilka doonaan iyo inay Diyaariyaan Qaabka ay kusoo Noqon lahaayeen, Balse waxaa la rabaa inay Noqoto mid Fursad loo wada haysta oo lagu tartamo”.
“Soomaalidu waxay raadinayso waxaa saldhig u ah in la helo deganaansho iyo Nabadgelyada hada jirta inaysan dib u dhicin, Hada dadka Soomaaliyeed meelkasta waa Arkaan, cid la siri karo ma jirto” Ayuu raaciyey hadalkiisa.
“Magaalada Muqdisho waa Hooyadii Umadda Soomaaliyeed ay Wada deganayd, hadana waa sidii muqdisho, Dadka degan waxay muujiyeen Samir iyo dulqaad badan, Xamar siday noqonayso maanta Farmaajo keliya kuma eka, idinkuba waad joogteen, Hada marka laga tago Maqaamka , Xamar sida ay Muuqaal u egtahay mid lagu raali noqon karo maaha, Waa in laga shaqeeyo siday Caasimad ku noqon lahayd.” Ayuu yidhi Siciid deni Madaxwaynaha Puntland.
Horufadhi News