WARARKA SOOMAALI

Qoyska Gabadha Hargeisa loogu xidhay “Sariirteeda oo Calanka Somalia ay saartay,, oo fariin diray.

Borama ( HM ) Degan Cumar Daahir (Degan Miiraash) waa hooyo dhibane ah oo magaalada Hargeysa ku xidhan mudo labaatan cisho ah.

Hooyo Degan waxay haysata Afar caruur ah oo ka ugu yar yahay 5 bilood. Waxaana  laga soo Xidhay gurigeeda Hargeysa xili saq badh ah oo la hurdo ayaa u soo daadateen ciidanka RRU-da.

Ehelada Dagan waxay ciidamada ku eedeeyeen inay markiiba bilaabeen inay jajabiyaan alaabihii guriga u yaalay iyo albaabadii waxna sii qaateenba kadibna waxay xoog ku soo xidheen Marwo Degan iyo  ilmihii ugu yaraa oo 5 bilood kaliya jira, halka saddexdii kale ee yaryaraa gurigii lagaga yimidey kalidood.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ehelada  Hooyo Dagan waxay sidoo kale sheegeen in  Markii saldhiga dhexe ee Hargeysa la keenay waxay la kulantay jidh dil iyo cey iyo bahdil ilaa maantana ay ku qabto askarta iyo taliye Ahmed Dawaco.

Waxay Codsadeen in Hooyo Degan Miiraash oo dhibaato tirsanaysa ay caddaalad hesho,  waxay sheegeen in  Markii sadexaad maxkamad la keenay lamana xukumi lamana sii deyn.

Xigasho: Kalshaale.com

SOMALI NEWS

To Top