WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la fududeeyay weerarkii Xabsiga dhexe ee Xamar-Video

Muqdisho (HM – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay inay jiraan shakiyo iyo suuragalnimada in la fududeeyay weerarkii xabsiga dhexe ee Xamar oo isniintii geysteen maxaabiistii ku jirtay xabsiga, kuwaasoo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda caddaalada Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka waramay dhacdadaasi isagoo shaki geliyay qaabkii weerarkii u dhacay isla markaana carabka ku adkeeyay inay jiraan dad fududeeyay in maxaabiista gacantooda hub galo, ayna bilaabi doonaan baaritaan si sharciga loo horkeeno cidii fududeysay arrintaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan khasaare arrintaasi ka dhashay, hase ahaatee uu ka gaabsaday inuu faah faahiyo.

Wuxuu ballan qaaday in baadhitaan dhab ah ay sameyn doonaan ciddii lagu helana la korkeeni doono caddaalada.

Hadalka wasiirka caddaalada Xasan Xuseen ayaa beeninaya warkii uu jeediyay taliyaha xabsiga dhexe, kaasoo uu ku sheegay war u muuqday mid uu daboolayay oo xaqiiqda ka fog.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top