WARARKA SOOMAALI

Siciid Deni oo la ogaaday inuu codsi hoose u diray Dowladda Jabuuti..

Garoowe (HM)-Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni uu dalab u diray dowladda Jabuuti, sidii ay u soo gaadhsiin lahaayeen qalab lagu hagaajiyo Dekedaha, gaar ahaan kuwa Ciidda ka soo saara goobta maraakiibta ku soo xidhaan.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa la sheegay inuu xidhiidh dhinaca Taleefanka ah la sameeyay Maareeyaha Dekeda Jabuuti, isagoo ka codsaday inay maalmo kooban ka caawiyaan sidii loo nadiifin lahaa halka Maraakiibta ku soo xirtaan oo ay ciid buux dhaafisay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dowladda Jabuuti ay u sheegtay Puntland inay ka fiirsaneyso codsigooda, isla markaana wada hadalo kaddib u soo diri doonto Taagga maraakiibta soo jiida iyo qalab ciidda looga soo saaro.

Dhawaan ayay aheyd markii maalmo kooban howlihii Dekadda Boosaaso uu hakad galay, kaddib markii Markab siday Ganacsi kala duwan ay Ciid qabsatay, taasoo halis loo galay in Markabka uu soo caariyo.

Dekadda Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa maamula Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana shirkadda lagu dhaliilay in aysan waxba ku soo kordhin dekadda tan iyo markii lagu wareejiyay.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top