Nairobi ( HM) Dowladda Itoobiya ayaa khad cas u Xariiqday Somaliland kana digtay inay ka gudubto, iyadoo sheegtay in saldhigga Masar ay dooneyso inay ka sameysato Somaliland uu yahay mid aan la aqbali karin.
“Masar waa dal madax-banaan oo xaq u leh inuu xidhiidh la yeesho dal kasta oo gobolka ah ah, hase yeeshee taasi ma ahan inay ku timaado ayada oo la waxyeeleynayo xasiloonida Itoobiya.” Ayuu yidhi Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya Dina Mufti.
”Waxaa dhowaan jiray warar sheegaya in Masar ay saldhig militari ka sameysaneyso Somaliland, xilli ay ayada iyo Itoobiya ka dhex aloosan tahay xiisad ka dhalatay biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameyneyso webiga Nile. “
Dabayaaqadii July, wafdi ka socday Qaahira ayaa la kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaga oo sida la sheegay kala hadlay qorshaha saldhigga.
“Arrinta saldhigga annaga waa inoo khad cas,” ayuu yiri Dina Mufti, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda, oo intaas ku daray in Itoobiya ay xidhiidh saaxiibtinimo la leedahay Somaliland, inkasta oo aan dal ahaan loo aqoonsaneyn.
Qaar ka mid ah dadka taxliiliya siyaasadda ayaa tallaabooyinka Masar u arka kuwa looga aargudanayo dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegtay inay taageereyso xuquuqda ay Itoobiya u leedahay biyo-xireenka, kaasi oo Qaahira ay aad uga soo horjeedo.
Horufadhi News