WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Shirkii nabadeynta ee Saaxdheer oo soo dhamaaday & Go’aamadda laga soo saaray-Video

Buuhoodle ( HM )-Waxaa maanta magaalada Saaxdheer ee Gobolka Sool lagu soo Afmeeray  Shirkii Nabadaynta Beelaha Walaahaha ah ee (Hayaag iyo Hagar), Iyadoo Gogashaasi uu dhigay  Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali.

Labada Beelood  ee Hagar iyo Hayaag Waxay Halkaasi ka Cadeeyeen inay Nabad Qaateen, sidoo kalana waxaa Heshiis laga gaadhay Dhiigga, Dhaawaca iyo deegaanka.

Labada beelood Waxayna kala qaadan doonaan magta 11-Ruux oo Colaadihii ugu dambeeyay ku dhintay, iyadoona Go’aano laga gaadhay Qaabka loo Xalinayo Arimahaasi, oo Muddo kooban loo qabtay.

Cidii dambe ee Jebisa Nabadgelyadda ee dil gaysatay ayaa la isku raacay in la mariyo  Shareecadda Islaamka.

Waxay Labada beelood ku heshiiyeen in Nabad lagu wada Noolaado, oo deegaanada aan la kala lahayn.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale isimada dhaqanka  ee Beesha Dhulbahante ayaa dhankooda go’aano kasoo saaray Colaadaasi iyo Heshiiska ay gaadheen Labada Beelood,   Waxayna go’aamiyeen in si dhamaystiran loogu dhaqmo shareecada islaamka, iyadoona la waafajinayo arimaha dilka iyo Xeerarka u dhexeeya beelaha.

Waxay sidoo kale isimadu soo jeediyeen inaan la difaacin Qofka dhibaato gaysta, si loo cafiyo, loo qisaaso ama Diyo/Mag looga qaato.

Isimada dhaqanku iyo   Ergadda Labada beelood ee (Hagar iyo Hayaag) waxay is la qaateen in lasoo qabto Qofka Qof dila,  Waxaana Qoyska diida  arintaasi lagu xukumayaa 100 Halaad oo magta dheer, iyadoona sidoo kale la xidhi doono Qoykiisa,  Weerarka magaalo lagu qaado iyo Qofkii qof dhaawaca ayaa lagu ganaaxayaa 50-Geel ah.

Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali   ayaa shirka Nabadda ee kusoo xidhmay Saaxdheer dedaal badan geliyey, waxaana sidoo kale shirarkaasi ku weheliyey Qaarkamid ah Isimada dhaqanka ee Beesha Dhulbahante.

Horufadhi News


SOMALI NEWS

To Top