WARARKA SOOMAALI

Dan ma ugu jirtaa maamulka Soomaliland loolanka Dalalka Itoobiya iyo Masar-Akhriso

Muqdisho ( HM ) Loolanka loogu jiro in la kasbado Somaliland ayaa gaadhay meeshii ugu sarreysay, iyadoo Ethiopia Qorshaynayso inay  Wakiil buuxa u dirto magaaladda Hargeysa, kadib markii ay Masar kor u qaaday qorshaheeda ay saldhig military uga dhisaneyso Somaliland.

Loolaanka waxaa uu u muuqdaa in uu kordhigay xidhiidh xumaddii u dhaxaysay Ethiopia iyo Masar ee uu sababay webiga Nile, Waxayna Horaantii todobaadkaan, Ethiopia ayaa uga digtay Masar in ay ka fogaato in ay Saldhig military ka sameysato Somaliland, kaasi oo khatar amni ku ah geeska Africa.

Falcelintaani waxay timid maalmo kadib markii wafdi ka socday Masar ay magaalada Hargeysa kula kulmeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halkaas oo labada dhinac ay uga wadahadleen soo jeedinta Masar ee ah in ay saldhig military ka sameeysato Somaliland. “Wadan shisheeye ahaan, Masar waxay xaq u leedahay in ay xidhiidh la sameysato wadan kasta oo ku yaalla gobolka,” ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

Si kastaba, waxaa uu hadalkiisa ku daray in xiriiradda Masar aan loo aas-aasin dal kale dartiis. Hadii joogitaanka Masar ee gobolka ay khatar ku noqoneyso dal seddexaad, taasi ma haboona,” ayuu yidhi.

“Arrintaan, waxaan u baahanahay in aan tusaale saxan u heysano waxa dhacaya. Waxaan rajeyneynaa in aysan ahayn Ethiopia darteed ama dal-kale oo deris ah, haddii ay sidaas tahay, waxay noqon doontaa sharci darro ka dhan ah bani’aadanimada iyo nabadda adduunka.” Ayuu yidhi.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top