WARARKA SOOMAALI

Nuxurka Khudbadda Axmed Madoobe ee Shirka Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb  (HM) Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)  ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa wuxuu ka jeediyey shirka maanta uga furmay magaalada Dhuusamareeb Madaxda maamulada dalka.

Ugu horayn wuxuu Madaxda, Masuuliyiinta iyo martida kasoo Qayb gashay shirka Wadatashiga ayuu Salaan la wadaagay, Wuxuuna Madaxwaynaha Galmudug uga mahad celiyey sida diiran ee Wufuuda kala duwan ay ugu soo dhoweeyeen magaalada Dhuusamareeb.

“Galmudug maanta waxay ku taagan tahay Waddo fiican, Dadnimo hore oo jirtay ayay lasoo baxeen, Soo dhowayn marka laga soo tago, sida ay u diyaarsan yihiin ma koobi karo, ee waad mahad santihiin.”

“Shirkan muhiimadda uu  lahaa waxaa ka hadlay Madaxwaynaha Galmudug,   Waxaana shir maanta Qofkasta uu soo fiirinayo,    Xaaladihii  hore ee dalku soo maray isma waydiinayno, Balse Burburkii kadib waxaa la qaaday tallaabooyin dawladnimada lagu dhisayey “. Ayuu yidhi Madoobe.

HALKAN KA DAAWO

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Arinta Doorashada iyo Muhiimada uu Shirkan u leeyahay, iyadoona maamulada iyo DFS ay doorkooda ka Wada qaadanayaan.

Axmed Madoobe wuxuu Khudbadiisa sidoo kale diirada ku saaray Arimaha dastuurka, Heshiisyadii la gaadhay iyo Qorshihii Amniga Qaranka ayuu ka hadlay sida loogu baahan yahay in wax looga qabto, Wuxuuna ku baaqay in Gacmaha la is qabsado.

Galmudug ayaa Tusaalle iyo midnimo inoogu filan maanta,    Halka ay shalay ka bilaabeen, iyo maanta halka ay gaadheen, aan Kuligeen Gacmaha is Qabsano, Ninka Dawladda Federaalka jooga wuxuu mudan yahay in lala shaqeeyo, Isaguna uu garto cida ay wax kala dhexeeyaan,  Waa in Qofka Xilka haya lala shaqeeyo heer maamul iyo heer Federaal” Ayuu yidhi Axmed Madoobe.

“Waxaan aad iyo aad usoo dhowaynayaa, dadaal kasta oo dadka isku wadi kara, oo amniga looga shaqaynayo, Waana in Qofwalba uu ka fekero Xasiloonida iyo isku haynta dalka.”

“Waxaan alle ka baryayaa inuu shirkan dhallo kuwa ka fiican, oo ay kasoo baxaan wax ay maanta dadku ku Qancaan, oo Walaaca iyo Tuhunka dadka ku jira  ay uga baxaan “. Ayuu yidhi Madoobe.

ugu dambayntii wuxuu xusay in dadka galmudug ay yihiin deeqsiyo, loona baahan yahay wixii ay ku qaadan lahaayeen Sooryadda iyo geella la siiyey Wufuuda Shirka ka qayb galaysa.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top