WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo sheegtay in shirkii Jabuuti fashilmay oo lagu kala tagay-Video+Warbixin

Hargeysa (HM) – Guddoomiyaha golaha guurtida Maamulka Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ka mid ah wafdiga Somaliland, ayaa sheegay in wax natiijo ah aan maanta laga gaadhin wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland uga furmay Jabuuti, islamarkaana lagu kala tegay sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye oo la hadlay Warbaahinta Gudaha Soomaliland ayaa sheegay in ka Somaliland ahaan ay dalbadeen in Soomaaliya ay fuliso ballamihii la galay ilaa afar jeer oo horay ay isusoo hor fadhiisteen dhinacyadu, ayada oo aanay taas dhicinna aan lasii wada-hadli karin.

“Wax natiijo ah oo maanta shirkaas kasoo baxay ma jiro oo Somaliland waxay taagan tahay markii la fuliyo wixii hore ayaan wada,hadleynaa,” ayuu yidhi Gudoomiyaha golaha Guurtida Soomaliland.

HALKAN RIIX DAAWO WARAYSIGA

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in gabi ahaanba shirkii uu sidaas ku fashilmay, isla markaana ay berri ama berri dambe ay ku soo laabanayaan magaalada Hargeysa, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Cabdifitaax Saciid Axmed ayaa isna faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ay Somaliland ka tabaneyso Soomaaliya in aysan u fulin sidii loogu balamay.

Wakiilka ayaa sheegay qodobadaas, ay ka mid ahaayeen inaan la xayirin isla markaana aan la is hortaagin deeqaha Somaliland iyo gargaarka bani’aadannimo, in aan la carqaladeen heshiiskii Hawada ee horay loo gaadhay, in  hadallada xanafta leh aan warbaahinta la isku marin, iyo in dad kasoo jeeda Somaliland aysan kasoo qeyb galin wada-hadallada labada dhinac.

Dhinaca kale Warbaahinta Horufadhi News oo xidhiidh la samaysay waftiga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diideen inay xaqiijiyeen in shirka lagu kala tegay. Si kastaba, waxaa suurta-gal ah in madaxda ay kasoo tagaan shirka balse guddi hoosaas farsamo ay sii wadaan wada-hadallada.

Horufadhi News

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Soomaliland oo u waramaya HCTV.
@Horufadhi News
Wararka Jabuuti
@Dalmaax Media.

SOMALI NEWS

To Top