WARARKA SOOMAALI

Mucaaridka Soomaliland oo Muuse Biixi uga digay arrin ka dhalan karta kulanka Farmaajo-Video

Laascaanood ( HM) Mucaaridka Somaliland oo ku kala aragti duwan kulanka Jabuuti ee Madaxda DF Somalia iyo Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu hadda ka soo horjeedo kulanka la filayo in uu dalka Jabuuti ku dhex maro madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO FAYSAL

Geeska kale, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin kulankaasi,balse uusan aqbaleyn in laga tanaasulo qaranimada Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DAAWO WADANI

Cabdirisaaq Khaliif ayaa aaminsan in kulanka Jabuuti ay uga faa’iideysato sidii ay qadiyadeeda ugu soo bandhigi laheyd miiskaasi oo ay goob joog ka tahay beesha caalamku.

Digniinta Waddani ayaa kusoo aadaysa xili uu socdo qorshe lagu rabo in dib loogu soo celiyo midnimadii Soomaaliya, kaasi oo la sheegay inay dabada ka riixayaan Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa muddo ka badan 29-sanno ku dooda inay ka go’day Soomaaliya, walow aysan beesha caalamka ka helin aqoonsi buuxa oo loogu ictiraafo dal madax-banaan.

Kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah ka furmo dalka Jabuuti, sida uu shaaciyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyada oo uu qeyb ka yahay Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo isagu door weyn ka ciyaaray dib u furista wada-hadalada.

Horufadhi News

Sawirka Xubnaha Mucaaradka iyo Biixi
@Horufadhi News
wararka Jabuuti
@Dalmaax Media

SOMALI NEWS

To Top